Saturday, March 27, 2010

Madaxda Xisbiga Somali Peace and Progress oo soo bandhigay qorshaha ay mustaqbalka ku soo kordhinayaan siyaasada Somalia


Madaxda Xisbiga Somali Peace and Progress oo soo bandhigay qorshaha ay mustaqbalka ku soo kordhinayaan siyaasada Somalia

Munaasabadi xisbigaan siyaasadeed qorshayaashiisa mustaqbalka lagu soo bandhigayey oo ka dhacday hotelka Barakaar ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale oo ka socotay dawlada Soomaliya.

Faadil Shikh Max'ed oo ah gudoomiyaha xisbigaan siyaasadeed Somali peace and progress ayaa ugu horeyn ka soo qeybbgalayaashii munaasabada waxaa uu ujeediyey hadal ay si weyn ula dhaceen oo u badnaa taarikihihi siyaasadi Soomaliya laga soo bilaabay xiligii Aadan Cadde ilaa xiligaan kala guurka ah ee jahwareerka , waxaana uu sheegay in Soomaliya xiligaan ay u baahantahay jiil sidi SYL la yimaada siyaasad furfuran oo ka maran qabiil iyo nin jecleysi.

Waxa uu sheegay in xibigiisa damac ahaan uu qabo inuu sameeyo isbadal siyaasadeed xili walbaa laga bilaabo ayuu yiri saacadaan aan idinla hadlaayo.

Waxa uu ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in uu helo taagerada Soomalida oo aan kala sooc laheyn si uu u gaaro yoolka uu higsanaayo xisbigiisa sida uu yiri.

Munaasabada ayaa intii ay socotay ayaa waxaa laga jeediyey khudbado u badnaa sida ay lagamamaanka u tahay in loo gudbo axsaab siyaasadeed oo talada dalka qabata.

Ugu dambeyn  xisbigaan ayaa ah nuuciisa kii ugu horeeyey oo shaaciyaan mas'uuliyiintiisa iney galayaan siyaasadaha socda si ay isbadal u sameeyaan.

Thursday, March 25, 2010

Mudaharaad loogu soo horjeedo Qabuura dumiska Al-shabaab oo ka dhacay K/Africa.

Mudaharaad loogu soo horjeedo Qabuura dumiska Al-shabaab oo ka dhacay K/Africa.

Mudaaharaad aan loo kala harin oo ay soo qaban qaban qaabiyeen culumada Ahlu Sunna Waljameec ee ku nool dalka Koonfur Africa ayaa ka dhacay xaafadda ay Soomalida U Badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town.

Mudaaharaadkani oo loogu soo horjeedo faagista Xarakada Alshabaab ay ku waddo Qabriyada Mashaa'iqda Soomaliyeed oo waa hore lagu aasay qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho kuwaasi bur buriyay qabuuraha ugu danbeyna lafihii culumadiina la baxay.

 

Dibadbaxayaasha ayaa wejiyadooda ka muuqatay shacuur ayadoo ay ku qeylinayay hal ku dhigyo ka dhan ah ururka Alshabaab waxayna halkasi ku gubeen sawirada hogaamiyaasha Alshabaab,

Waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka ahlusunna waljamaca ee Koonfur Afrika, Sh. Maxamed Ibrahim Garyare,  isagoo halkaasi ka muujiyey in shabaabku ay xadgudub weyn u geysteen culamadii Soomaliyeed, waxaana taasi uu u sababeeyey dhacdooyinkan iska soo dabalabtay inay yihiin kuwa aan diinta wax raad ah kulahayn sida uu sheegay.
 
Sheikh Garyare, ayaa intaa ku daray in ay tahay arin aad looga xumaado tallaabadaasi qabuuro burburinta ah oo ay Shabaabka ka wadaan Muqdisho, isagoo sheegay in dintu nafarayso inaan asturno Meydka markaa yaala ayna tahay aas kiisa mid Fardul Kifaayo ah oo waajib ah, sida uu yiri.
 
Hadaba Intii uu Banaanbaxaasi ka socday xaafadda ay soomaalida ku badan tahay ee Bellville, ayaa waxaa goobta Dibadbaxa mar qura si lama filaan ah isugu gadaamay ciidamo Boolis ah, iyagoo kala ceyriyey Taageerayaasha Ahlu Sunna ee Mudaharaadkaasi dhigayey, maadaama sida uu sharciga dalka Koonfur Africa uu qabo aysan iska soo diiwaan gelin xarunta dhexe ee dowlada si ay ugu Iclaamiso maalinta mudaaharaadka uu dhacayo ayadoo lagu daba dhigayo raxan boolis ah si ay u sugaan amaanka dibadbaxayaasha, islamarkaana ay uga hortagaan wixii khalalaase ah ee ka dhasha Dibadbaxa.
 
Waa markii ugu horeysay oo mudaaharaad Ceynkaan oo kalaa uu ka dhaco dalka K/Africa kaasi oo loogu soo horjeedo Ururka Al-shabaab

 

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo100@hotmail.com

Cape Town, South Africa.


Wednesday, March 17, 2010

Monday, March 15, 2010

Jaaliyadaha Soomaliyeed ee dibadaha ku nool ayaa mar kale loo jeediyey baaq ah iney caawiyaan gabdhahan isku dhagan.




Waxaa wali noloshooda ay sii adkaaneysaa laba gabdhood oo sanad iyo bar jir ah kuwaas oo dhashay ayagoo isaga dhagan caloosha.
Labadan gabdhood ayaa ku dhashay magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayagoo isku dhagan.

Cisbitaalada magaalada Nairobi oo loo keenay in wax looga qabtaa ayaa dhakhaatiiurta ka hawl gashaa cisbitaalada waxey sheegeen inaaney waxba ka qaban karin oo ay u baahanyihiin qaliin dibada ah.

Canab Afrax Xuseen oo ah hooyada dhashay gabdhahan ayaa ugu baaqday jaaliyaadaha dibada iney caawinaad la soo gaaraan , waxaana sidoo kale ay ugu baaqday hay'daha caalamiga iyo dawladda Soomaliya in ay gacan ka geystaan sidii gabadheeda dibada loogu geyn lahaa qalii.
Waxa ay sheegtay in caruurteeda ay qabaan xaalad adag oo dhinaca nolosha ah ayadoo sheegtay in isku dhaganaantooda mar walbaa ay xanuun kala kulmaan.

Hadaba jaaliyadaha dibada iyo cid walbaa oo gacan ka geysan karta qaliinka gabdhahaas waxaa ay la soo xiriiri karaan hooyadood Canad Afrax Xuseen oo laga helo telefoonka +254722233873 ama walaasheed Rashiida Max'ed Cabdi oo laga helo telefoonka +14049098183.

Madaxweyne Shariif oo...

Thursday, March 11, 2010